Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan...

Sawiro;-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ciidamada Turkiga

1
0

Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Muqdisho: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Sarreeye Guud Sabahattin Kılınç, oo ah Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga.

Kulanka ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee dhinaca difaaca iyo amniga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo labada dhinac ay fursad u heleen inay ka wada hadlaan arrimaha la xiriira iskaashiga milatari iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulanka ku qaabilay sarkaalka sare ee ciidamada Turkiga, kaas oo booqashadiisu ay muujinayso xiriirka wada-shaqeyn ee labada dal ka dhexeeya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo tababarka ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here