Home WARARKA MAANTA Saworo;-Wasaaradda Amniga Gudaha Kgs Oo Baydhabo Ku Qabatay Tababar Ku Saabsan Tayeynta...

Saworo;-Wasaaradda Amniga Gudaha Kgs Oo Baydhabo Ku Qabatay Tababar Ku Saabsan Tayeynta Adeegyada Booliska

1
0

Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Baydhabo: Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ku qabatay tababar ku saabsan soo-dhoweynta dadweynaha iyo boolisnimada tixgelisa baahiyaha haweenka iyo ragga, kaas oo ujeeddadiisu tahay horumarinta adeegyada booliska iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada booliska iyo bulshada.

Tababarka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Yaasiin Cabdullaahi, kaas oo sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in ciidamada boolisku bulshada ugu adeegaan si hufan, xirfad leh, caddaalad ku dhisan, isla markaana tixgelinaya baahiyaha kala duwan ee bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale tilmaamay in soo-dhoweynta wanaagsan ee dadweynaha, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo helitaanka adeeg boolis oo loo siman yahay ay muhiim u yihiin dhismaha kalsoonida shacabka iyo horumarinta hay’adaha amniga.

Tababarkan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda UNDP Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya saraakiil ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed, ururrada bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socda Wasaaradaha Haweenka, Cadaaladda iyo Amniga.

Inta uu tababarku socdo, ka qaybgalayaasha ayaa lagu baranayaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha soo-dhoweynta dadweynaha, bixinta adeegyo boolis oo loo dhan yahay, tixgelinta baahiyaha haweenka iyo ragga, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhisidda kalsoonida u dhexeysa booliska iyo bulshada.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha ee lagu tayeynayo xirfadaha shaqaalaha amniga, kor loogu qaadayo hufnaanta adeegyada booliska, laguna xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here