Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u qaabilsan Soomaaliya, Salim bin Habib Al Umairi.
Safiirka cusub ayaa Madaxweynaha gaarsiiyey salaan iyo farriin uu ka siday Suldaanka Cumaan, Haitham bin Tariq Al Said, taas oo muujinaysa danaynta hoggaanka iyo shacabka Cumaan ee xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Suldaanka taageerada iyo garab istaagga uu la garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo danjiraha cusub u rajeeyey inuu ku guuleysto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan.







