Axad 22 March 2026 {CBB} Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir ay yeelanayaan xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan maamullada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa la sheegay in uu yahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta wada shaqeynta siyaasadeed iyo mideynta mowqifyada siyaasadeed ee saddexdan maamul, xilli uu dalku marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in xildhibaanada kulmaya ay ka arrinsan doonaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.
Sidoo kale, kulanka ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo sidii loo heli lahaa mowqif mideysan oo ay saddexdan dhinac uga jawaabaan arrimaha taagan, loona xoojiyo iskaashiga siyaasadeed ee mustaqbalka.
Shirkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka jira gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo la xiriira jihada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo.







