Axad 22 March 2026 {CBB}Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa magacaabay taliyeyaal cusub oo ka howlgali doona Gobolka Baay, iyadoo la xoojinayo dadaallada sugidda amniga ee Gobolka Baay.
Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) ayaa loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed, halka Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-gaabeey) loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Baydhabo.
Magacaabista taliyeyaashan cusub ayaa ku soo aadey xilli ay jiraan xaalado amni darro oo ka taagan Gobolka Baay, waxaana la filayaa in ay door weyn ka qaataan dib u habeynta iyo xoojinta howlaha Booliiska, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee deegaanka.