Axad 22 March 2026 {CBB}Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Turkiga, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa markii ugu horreysay wada-hadallo xasaasi ah ku yeeshay magaalada Riyadh, iyagoo ka tashanaya sidii ay u mideyn lahaayeen awooddooda milateri iyo tan amni.
Kulankan oo dhacay maalintii Khamiista ayaa ku soo beegmay intii uu socday shir-madaxeedka dalalka Islaamka, wuxuuna daaha ka qaaday isbeddel weyn oo ku imaan kara shaxda siyaasadda iyo amniga ee gobolka.
Xukuumadda Turkiga ayaa tan iyo sanadkii hore wadday olole ay heshiis amni kula gelayso Pakistan iyo Sacuudi Carabiya. Horraantii sanadkan, wasiir u dhashay Pakistan ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in qorshaha heshiiskan uu miiska saarnaa ku dhawaad muddo sanad ah.
Ilo wareedyo Turki ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa horay ugu sheegay warbaahinta Middle East Eye in xukuumadda Ankara ay sidoo kale isku dayaysay in dalka Masar ay qayb uga dhigto isbaheysigan.
Xogaha ayaa xaqiijinaya in heshiiskani uusan noqon doonin mid la mid ah dammaanad-qaadka iyo ballan-qaadyada gaashaanbuurta NATO, balse uu noqon doono madal amni oo fududeyneysa iskaashi ballaaran oo dhanka warshadaha difaaca iyo arrimaha guud ee milatariga.
“Waxaan qiimeyneynaa sidii, annagoo ah dalal saameyn muuqata ku leh gobolka, aan awooddeena isugu geyn lahayn si aan xal ugu helno dhibaatooyinka taagan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, oo Sabtidii la hadlay warbaahinta.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waddamada gobolku ay iyagu hormuud u noqdaan masiirkooda, isagoo yiri: “Ugu horreyn, waxaan in muddo ahba sheegaynay in dalalka gobolku ay tahay inay isugu yimaadaan, wada-hadallo yeeshaan, fikradana horumariyaan. Waxaan xoogga saareynaa in gobolku uu isagu is-leeyahay.”
Wasiir Fidan ayaa intaas ku daray in waddamadan ay ka wada hadlayeen xaaladda cakiran ee haatan ka taagan gobolka, oo ay ku jiraan dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku hayaan Iiraan, iyo weerarada aargoosiga ah ee xukuumadda Tehran ay ku qaadday waddamada Khaliijka. Waxay si qoto dheer u falanqeeyeen faa’iidooyinka uu iskaashigoodu keeni karo marka la wajahayo caqabadaha noocaas ah.
Wuxuu si adag uga digay faragelinta shisheeye, isagoo yiri: “Sida mabda’a ah, waa inaan garannaa arrintan: inaan isugu nimaadno oo aan baranno inaan annagu xallinno dhibaatooyinkeenna, ama quwad shisheeye oo is-muquunis wadda ayaa imaan doonta, taas oo ama soo rogi doonta xal u adeegaya danaha iyada u gaarka ah, ama aan waxba qaban doonin iyadoo iska hor istaagaysa in kuwa kale ay tallaabo qaadaan.”
In kasta oo xukuumadda Ankara ay marar badan ku eedaysay Israa’iil inay tahay maskaxda ka dambeysa hurinta dagaalka Iiraan, haddana bayaan wadajir ah oo ay soo saareen afartan dal Khamiistii ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarada Tehran ay ku beegsatay Khaliijka. Bayaanka ayaa si aad u kooban u soo hadal qaaday Israa’iil, isagoo si gaar ah u dhaliilay siyaasaddeeda “ballaarinta” dhuleed ee ku wajahan dalka Lubnaan.
“Waa inaan barannaa inaan is-aaminno. Waa inaan si wadajir ah u wajahnaa arrimaha qaarkood. Waa inaan awoodnaa inaan qaadano mowqif mideysan,” ayuu yiri Fidan. Wuxuu xusay in Ankara ay khibrad ballaaran u leedahay xiriirka caalamiga ah marka ay timaado horumarinta dadaallada wadajirka ah iyo kuwa hay’adaha, isla markaana dalalka Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Masar ay mid kasta leedahay awoodo waaweyn oo ka ciyaara doorar goboleed oo aad u muhiim ah.
Marka la eego awoodaha is-kabaya ee dalalkan: Turkiga ayaa si weyn u maalgeliyay warshadihiisa gaashaandhigga, isagoo hormuud ka ah soo-saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee casriga ah, gantaallada iyo diyaaradaha dagaalka.
Pakistan ayaa iyaduna haysata awoodda hubka nukliyeerka, halka Sacuudi Carabiya ay si xawli ah isugu beddelayso xudun weyn oo dhanka teknoolojiyadda casriga ah ah. Dhanka kale Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa loo arkaa laf-dhabarta gobolka sababo la xiriira awooddeeda iyo dhismaheeda milateri.
Dadaalladan isbaheysi-raadinta ah ayaa daba socda heshiis milateri oo laba-geesood ah oo ay bishii Febraayo ee sanadkan kala saxiixdeen Turkiga iyo Masar, kaas oo ujeedkiisu ahaa in la sii qoto-dheereeyo iskaashiga dhanka amniga.
Heshiiskaas wuxuu dhacay intii lagu guda jiray booqashadii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku tagay magaalada Qaahira.
Booqashadaas ayaa sidoo kale lagu saxiixay heshiis weyn oo dhoofin ah oo qiimihiisu dhan yahay 350 milyan oo doolar, kaas oo dhexmaray Shirkadda Farsamada iyo Kiimikada (MKE) ee soo saarta hubka Turkiga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar. Heshiiskaas ayaa isugu jiray iibinta rasaasta iyo dhismaha warshado cusub oo hubka soo saara oo laga hirgelinayo gudaha dalka Masar.







