Home WARARKA MAANTA Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ku wajahan Degmada Xudur ee Gobolka...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ku wajahan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

1
0

Axad 22 March 2026 {CBB}Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool waxaa ku wajahan wafdi uu hoggaaminayo Lataliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud si ay halkaas uga billaabaan kulamo ay la qaadaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaas.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, ammaanka Degmada Xudur ayaa aad loo adkeeyay waxaana garoonka Diyaaradaha ka socda qaban-qaabada soo dhawaynta wafdigaan oo marka uu Xarunta Gobolka Bakool tago kulamada billaabaya.

Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka jirta xiisad siyaasadeed oo sababtay in Degmooyinka ay ku hardamaan Maamulkaas iyo Dowladda Federaalka tan iyo markii uu khilaafkooda bannaanka usoo baxay.

Maamulka Degmada Xudur ayaa saacado kahor ku dhawaaqay in aanay degmadooda imaan Karin mas’uul ka socda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyaga oo albaabada u furay xubnaha ka imaanaya dhinaca Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here