Home WARARKA MAANTA Maamulka Koofur galbeed oo sheegtay in Hubka laga keenay Masar loo qeybiyay...

Maamulka Koofur galbeed oo sheegtay in Hubka laga keenay Masar loo qeybiyay Maleeshiyaadka Buurhakaba.

1
0

Axad 22 March 2026 {CBB}Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa ka digay in hub loogu talagalay difaaca qaranka Soomaaliya loo adeegsado colaado gudaha ah.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayuu ku sheegay in hubkan markii hore ay bixisay dowladda Masar si loo xoojiyo amniga qaranka Soomaaliya loogana hortago cadowga dhabta ah, balse aan loogu talagelin in lagu kala adeegsado shacabka Soomaaliyeed dhexdooda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in hubkan hadda loo gacan gelinayo maleeshiyaad ku sugan deegaanka Burhakaba, islamarkaana loo adeegsanayo dagaallo ka dhan ah shacabka Koonfur Galbeed, taas oo ka hor imaanaysa ujeedkii loo keenay.

Wuxuu sidoo kale ka digay in marka hubkii difaaca qaranka loo adeegsado si khaldan ay taasi sii hurinayso xiisadaha, kala qeybineyso bulshada, isla markaana halis gelinayso nolosha dad rayid ah.

Ugu dambeyn, hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira hubka iyo sida loo maamulayo, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladda amni ee Koonfur Galbeed ay sii xumaato haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here