Home WARARKA MAANTA Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Xudur

1
0

Axad 22 March 2026 {CBB}Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil kale, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bakool, kan degmada, iyo boqolaal dadweyne ah.

Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa lala xiriirinayaa u kuur-galidda xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan amniga, abaaraha, iyo xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada deegaanka.

Inta ay wafdigu ku sugan yihiin magaalada Xudur, waxay kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidanka, iyo mas’uuliyiinta gobolka, si ay xog-wareysi buuxa uga yeeshaan baahiyaha deg-degga ah ee ka jira gobolka Bakool.

Safarka Wafdigaan ayaa ku soo aadaya xilli khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here