Axad 29 March 2026 {CBB}Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay barnaamij tababar loogu talagalay in lagu diyaariyo khubaro Soomaaliyeed oo haysata shahaadooyin caalami ah oo dhanka Amniga Saaybarka (Cybersecurity).
Barnaamijkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta shaqaalaha ICT-da ee hay’adaha dowladda, si ay u noqdaan kuwo ka hortagi kara weerarada Internateka.
Maareeyaha Guud, Mustafa Yaasiin, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka, ayaa hoosta ka xariiqay in amniga dhijitaalka ah uu laf-dhabar u yahay madax-bannaanida xogta qaranka.
“Tababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh.
Tababarkan oo ay fududeynayso Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika, laguna qabanayo magaalooyinka Muqdisho, Nayroobi iyo weliba hannaanka fogaan-aragga (Online), waxa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 28-ka Maarso ilaa 8-da May 2026. Waxaana ka-qaybgalayaasha lagu bari doonaa maadooyin iyo shahaadooyin caalami ah oo ay ka mid yihiin:
- CompTIA Security+
- Certified Incident Handler – EC Council
- Cloud Security Essentials – GIAC
- ISMS (ISO/IEC 27001:2022) Lead Auditor
- Certified Information Security Manager (CISM) ISACA
- Certified Information Systems Security Professional (CISSP) – ISC2

“Si loo hubiyo in aqoonta la gudbinayo ay tahay mid tayo leh, Hay’adda ayaa dejisay shuruudo adag oo ay ka mid yihiin in musharraxa uu haysto ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacadda, khibrad laba sano ahna u leeyahay maamulka nidaamyada iyo shabakadaha” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.
Barnaamijkaan ayaa sidoo kale waxaa taageeraya Bangiga Adduunka oo kamid ah Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya.







