Talaado 31 March 2026 {CBB}Baydhabo, 31 Maarso 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo.
Wafdiga ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Shaatiguduud, waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo horey u joogay magaalada, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa isla markiiba bilaabay kulamo hordhac ah oo ay la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee magaalada iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasiloonida.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay isbedelka nabdoon ee ka dhacay Baydhabo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay shacabka magaalada sida ay u soo dhoweeyeen wafdiga iyo guud ahaan dadaallada nabadda.
Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo dhiso maamul ay ku mideysan yihiin rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed.
Safarka Guddoomiyaha waxaa ku wehliya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.




