Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku Soo wajahan Magaalada Baydhabo

MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku Soo wajahan Magaalada Baydhabo

2
0

Arbaco 1 April 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaas oo ay ka jiraan isbeddello dhinaca maamulka ah kadib markii uu iscasilay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), isla markaana uu ka baxay magaalada.

Aniga oo ku sugan Baydhabo, waxaa muuqata in wafdi hordhac u ah Madaxweynaha ay horay u soo gaareen magaalada, iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga guud. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hay’adaha ammaanka si loo xoojiyo sugidda nabadgelyada.

Sidoo kale, ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha ayaa la geeyay magaalada, waxaana socda diyaargarow xooggan oo loogu jiro soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda magacawday maamul kumeel-gaar ah oo hoggaamiya Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in la bilaabo kulamo looga hadlayo dib u heshiisiin iyo mustaqbalka siyaasadeed ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here