Arbaco 1 April 2026 {CBB}
Xulka Qaranka Ciraaq ayaa 40 sano kaddib rumeeyay riyadiisa ahayd in uu mar uu ka qaybgalo Koobka Adduunka, xalay waxa uu ka adkaaday Dhiggiisa Bolivia kaddib markii 2-1 ay kusoo dhammaatay ciyaartii ay wadayeesheen labadaas xul.
Tani waxa ay soo afjartay sugitaankii 40ka sanno qaatay inkasta oo sanadihii u dambeeyay ay wacdaro dhigayeen xulka Ciraaq kana dhex muuqday tartamada isreeb-reebka Koobka Adduunka iyo Kan Aasiya balse hadda kahor uma suuragalin arrintaas.
Ciraaq ayaa fursad u heshay kulamada isreeb-reebka qaaradaha oo dhowr xul la isku dhuftay si ay usoo kala haraan, kulanka ay kahortagtay Bolovia waxa uu ka dhacay Dalka Mexico, natiijada kasoo baxday kulankaas waxa ay ku dartay liiska Dalka 48aad ee kusoo baxay tartankaan.
Markii Ciyaarta soo dhammaatay waxaa billowday dabbaaldegyo waa wayn oo ay dhigeen Ciraaqiyiinta, Xulkaan oo ku dhowaaday in waqti dheeraad ah loo diro si haddii ay kala adkaan waayaan Bolovia ugu kala haraan Gool ku laad (Rigoore).
Xulka Ciraaq oo galay jahwareer dhinaca Safarka ah maadaama ay saamayn taban ku reebtay colaadda Bariga Dhexe ayaa ku baxay Diyaarad gaar ah oo ugu dambayn caga-dhigay Waqooyiga Ameerika si gaar ah Mexico.
Macallinka Xulkaan oo lagu magacaabo Graham Arnold ayaa ka codsaday qabanqaabiyeyaasha in ay dib u dhigaan ciyaarta si kooxda ay u nasato ulana qabsato tababarkooda maadaama safar dheer ay soo galeen balse dheg jalaq looma siin wayna soo baxeen.
Macallinka oo guushaas kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay adeegsadeen Maskax iyo Dhiirranaan si ay guusha muhiimka ah u gaaraan isla markaana ay is hilmaamsiiyeen daalka ka dhashay safarka dheer ay soo galeen sida uu hadalka u dhigay.
Ciraaq ayaa gashay Guruubka (I) oo ay kuwada jiraan Xulalka Faransiiska, Norway & Senegal, waxa ay halkaas ku waji doonnaan xulal aad u adag marka la eego dhinaca tartanka Koobka Adduunka 2026 sida ay sheegeen khubarrada falanqeeya Ciyaaraha.







