Arbaco 1 April 2026 {CBB}Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo howlo shaqo u jooga Baydhabo, ayaa maanta kulan la qaatay sii-hayaasha wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha oo kulanka furay ayaa sharaxay ujeedka safarkiisa, isaga oo faray mas’uuliyiinta in ay dardargeliyaan howlaha wasaaradaha si aanay u hakad gelin adeegyada muhiimka ah ee bulshada loo hayo.
Mas’uuliyiinta wasaaradaha Koonfur Galbeed ayaa dhankooda warbixin ka siiyay Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, iyagoo faahfaahiyay howlaha ay u hayaan shacabka iyo xaaladda guud ee adeegyada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay sii xoojiyaan adeegyada bulshada, islamarkaana ay shaqadooda sii wadaan inta laga qabanayo doorasho ay ku qanacsan yihiin shacabka Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.








