Home WARARKA MAANTA Maxamed Mursal oo ka hadlay ujeeddada socdaalkiisa Baydhabo

Maxamed Mursal oo ka hadlay ujeeddada socdaalkiisa Baydhabo

0
2

Khamiis 1 Octber 2026 {CBB}Baydhabo: Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in socdaalkiisa magaalada Baydhabo uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka iyo is-fahamka siyaasadeed.

Maxamed Mursal ayaa tilmaamay in ujeeddada socdaalkooda ay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xoojinta wada-hadalka, isla markaana loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida bulshada.

“Socdaalkeenna Baydhabo waa inaan qeyb ka qaadanno xoojinta wada-hadalka, shacabkana aan dhibaato loo horseedin,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in dhinacyada siyaasadda ay yeeshaan wada-tashi iyo is-faham, si loo yareeyo kala aragti duwanaanshaha loona abuuro jawi nabadeed oo u adeegaya shacabka.

Socdaalka Maxamed Mursal iyo wafdigiisa ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Baydhabo lagu wado in ay ka furanto Gogosha Dib-u-heshiisiinta, taas oo lagu casuumay siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

https://www.facebook.com/share/v/17umB3Vf4F/

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here