Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo La Kulmay Saraakiishii Hoggaamisay Howlgalkii Lagu...

Sawiro;-Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo La Kulmay Saraakiishii Hoggaamisay Howlgalkii Lagu Sifeeyay Waddada Muqdisho–Baydhabo

2
0

Arbaco 1 April 2026 {CBB}Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay kulamo ka bilaabay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay saraakiil hoggaaminaysay howlgalladii maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saaray wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo uga mahadceliyey guusha la gaaray iyo naf-hurnimada ciidamada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulan xasaasi ah xarunta madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo kula yeeshay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay howlgalladii lagu xoreeyay Baydhabo, laguna furay wadada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa qiimeynta xaaladda amni ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay shalay gaareen Ciidamada Xoogga Dalka oo ay wehliyaan ciidamada deegaanka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada amni ee ka socda magaalada iyo deegaanada ku hareereysan.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa Guddoomiyaha siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlgalladii guuleystay ee maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saaray wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee maamulkaasi.

Kulamadan ayaa ku aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto sugidda amniga iyo dib u xoreynta guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here