Home WARARKA CAALAMKA Maraykanka oo 2026 Soomaaliya ka fuliyay ku dhawaad 50 duqayn

Maraykanka oo 2026 Soomaaliya ka fuliyay ku dhawaad 50 duqayn

4
0

Sabti 4 April 2026 {CBB}Maraykanka ayaa Soomaaliya sanadkaan 2026 ka fuliyay 49 weerar oo ka dhan ah Daacish iyo ‘AS’ kuwaas oo ka dhacay Gobolllada Dalka sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Taliska AFRICOM ee Xukuumadda Washington u qaabilsan fulinta howlgalladaan.

Afhayeenka ayaa u mahadceliyay Ciidamada Soomaalida ee la howlgalla taliskooda isaga oo sheegay in iskaashigooda lagu gaaray bartilmaameedyo kala duwan oo ka dhan ah hoggaanka iyo xubnaha Daacish iyo AS sida uu yiri.

Maraykanka ayaa sanadihii u dambeeyay marka tiro kasoo gudbinayay weerarrada uu ka fuliyay Soomaaliya, sanadkii hore ee 2025 waxaa diiwaanka u galay 124 duqayn oo ka kala dhacay Dhul Baaxad wayn oo Saldhigyo ay ku leeyihiin AS iyo Daacish.

2024 oo duqayntii ugu yarayd ee Maraykanka ka fuliyay Soomaaliya waxaa sanadkaas la diiwaangeliyay 10 weerar, 2023 18 duqayn ayuu AFRICOM gaystay halka 2022 16 weerar oo cirka ah uu Maraykanku ka gaystay Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Taliska howlgallada Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay ka go’an tahay fulinta weerarrada cirka ah ee ka dhanka ah ‘AS’ iyo Daacish oo xooggeeda ka dagaalanta dhulka buuraha leh ee Dowlad-Goboleedka Puntland.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya & Taliska AFRICOM ayaa sheegay in ujeedka loo fulinayo duqaymaha ay yihiin kahortagga weerarrada ‘AS’ & Daacish ay abaabulaan iyo in la beegsado hoggaankooda sida hadalka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here