Home WARARKA MAANTA Iiraan oo sheegtay in ay burburisay 160 kamid ah Diyaaradaha Mareykanka

Iiraan oo sheegtay in ay burburisay 160 kamid ah Diyaaradaha Mareykanka

2
0

Sabti 4 April 2026 {CBB}Dowladda Iiraan ayaa shaacisay in ay duqeymo ku burburisay 160 diyaaradaha casriga ah ee Mareykanka, kuwaasi oo kamid ahaa kuwa loo adeegsanayo weerarka lagu hayo dhulkeeda.

Taliyaha Ciidanka Iiraan, Jeneraal Brigadier Alireza Elhami ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay fuliyaan weeraro kale oo aargudasho ah, si ay uga jawaabaan Duqeymaha lagu ha.

War-saxaafadeed ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, ayuu Jeneraal Brigadier Alireza Elhami ku sheegay in ciidamada difaaca cirka ee Iiraan ay markasta ku howlgalayaan qalab casri ah, iyagoo ka jawaabaya weerarada cadowga.

Hadalka Dowladda Iiraan ayaa ku soo aadaya xilli saacado ka hor gudaha Iiraan ay ku dhaceen diyaarado weli la baadi goobayo mid kamid ah dooliyeyaashii waday.

Mid kamid ah ragii waday diyaaradahaasi ayaa la helay, iyadoo weli ay sii socdaan howlgallada baadigoobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here