Home WARARKA CAALAMKA Markabka Turkiga ee Shidaalka ka qodaya Soomaaliya oo soo gaaray Xeebaha Dalka

Markabka Turkiga ee Shidaalka ka qodaya Soomaaliya oo soo gaaray Xeebaha Dalka

2
0
None

Axad 5 April 2026 {CBB}Markab Çağrı Bey uu leeyahay Turkiga kana qodaya shidaalka Soomaaliya ayaa soo gaaray xeebaha Dalka sida uu xaqiijiyay Wasiirka Macdanta & Tamarta Dalkaas, Alparslan Bayraktar oo kamid ahaa mas’uuliyiintii horay usoo sagootigay.

Waxa uu xusay in dhowaan ay billaabanayso shaqada qodista Shidaalka Soomaaliya sida ku xusan heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay wadagaleen, Wasiir Alparslan ayaa rajo ka muujiyay in howshaas ay u qabsoonto sida loo qorsheeyay.

“Markabkeenna Çağrı Bey waxa uu gaaray Soomaaliya, dhowaan haddii alle idmo waxa uu billaabi doonnaa soosaarka Shidaalka” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Tamarta & Macdanta Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Shaqada lagu soosaarayo Shidaalka Soomaaliya waxaa dhinac socda sahminta goobo cusub oo laga baarayo macdan sida ay kol hore u sheegeen mas’uuliyiinta Xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara oo howshaan iska kaashanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here