Arbaco 22 april 2026 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku jaho wareeray xaaladda Bariga Dhexe si gaar ah heshiiska Iiraan, dhowr jeer ayuu damcay in uu qaato go’aan qaraar oo uu ku aqbalaayo shuruudaha dhinaca Tehran balse Israa’iil oo diidan ayaa culays kale saartay.
Donald Trump ayaa mar isu muujinaya in uu yahay qof ka awood sarreeya Israa’iil inkasta oo marka uu tallaab qaado uu ka dabatago Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu isla markaana waqti kooban ku baddela mowqifkiisa.
Trump ayaa la sheegay in ay ka dhammaatay hanjabaadda, si iskiis ah ayuu mar ku waqti dheereenaa xabbad-joojinta Iiraan halka mararka qaar uu ku hanjabayo in uu fulinayo weerarro gantaallo culus ah oo ka dhan ah Tehran.
Warar ay baahisay qaar kamid ah Warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in Donald Trump uu meesha ka saaray shuruudihii maalmaha ahaa ee xabbad-joojinta uu dul dhigi jiray balse markaan doorbiday in xabbad-joojintu ku xirnaato wadahadallada iyo natiijada kasoo baxda.





