Arbaco 22 april 2026 {CBB}Hay’adda Socdaalka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM ayaa warbixin ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in sanadkii tagay 2025 ay tahriib ku dhinteen in ku dhow 8,000 ruux oo qaarkood la helay maydkooda halka qaar kale la waayay.
Warbixinta ayaa lagu xusay in kororta Tahriibayaasha oo sanadkaas badnaa uu kordhay khasaaraha kasoo gaaray Dadka maadaama goobo cusub ay kusoo biireen marinnada lagu gaari karo Qaaradda Yurub oo halis nafeed ku horgudban tahay.
Madaxa Waaxda Qaramada Midoobay u xilsaaran dhinaca Bani aadamnimada, Maria Moita oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in xaaladaha kasii daray dalalka colaadaha iyo duruufaha kale ay ka jiraan inay sababtay qulqulka tahriibka.
Waxa ay arrin lagu fashilmay ku tilmaamtay in si wadajir ah la isaga kaashado oo looga hortago Tahriibka oo ah musiibo ka dhan ah Nolosha Aadanaha maadaama dadka halistaas la kulmaya in ay si xad-dhaaf ah u raacayaan doomaha kaddibna ay la rogmanayso.
Dadka ugu badan ee ku dhintay Tahriibka waxa ay kasoo jeedaan Galbeedka Qaaradda Afrika iyo muwaadiniin reer Bangladesh ah kuwaas oo xaalado adag oo dhinaca nolosha ah oo ay ka cabanayaan dartood naftooda halis u geliyay.
Dhanka kale, Isbaddelkii ka dhacay Jamhuuriyadda Suuriya waxa uu sababay in aad u yaraado safarka Dadka u dhashay Dalkaasi, Qaramada Midoobay ayaa xustay in ay jiraan dad kooban oo weli ka imaanaya dalkaas balse aanay u badnayn sidii hore.
Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay xalka keliya ee lagu xakamayn karo tahriibka uu yahay wax ka qabashada shaqo la’aanta, la dagaalanka faqriga, colaadaha oo xal waara loo helo & in laga shaqeeyo kahortagga musiibooyinka ka dhasha Isbaddelka Cimillada.





