Home WARARKA MAANTA Soomaaliya & Turkiga oo xoogga saaraya Xoojinta ciidamada Qalabka sida

Soomaaliya & Turkiga oo xoogga saaraya Xoojinta ciidamada Qalabka sida

1
0

Arbaco 22 april 2026 {CBB}

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogga saaray ka mira-dhalinta iskaashiga dhinaca Amniga ah ee ka dhaxeeya labada Dal, si loo gaaro hadafkaas waxa ay Ankara diiradda saartay xoojinta ciidamada Dowladda, Tayaynta Gaadiidka, Hubka iyo agabka ay u baahan yihiin.

Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidamada Turkiga wataan waxaa haatan ku howlgalla Ciidamo katirsan kumaandooska Gorgor ee Dowladdiisa ay tababartay, Halka Diyaaradaha Ciidamada Qumaatiga u kaca ay duulliyaan Saraakiil Soomaali ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa dhowaan sheegay in Dowladdiisa ay qayb ka qaadanayso dagaalka tooska ah ee ka dhanka ah ‘AS’ iyo Daacish si looga saaro deegaannada ay joogaan sida uu hadalka u dhigay.

Warar ay heleyso Mustaqbal ayaa ku warramaya in Saraakiil katirsan Ciidamada Turkiga ay kusoo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho, waxa ay qayb ka noqonayaan tababarrada ciidamada iyo la howlgalidda Ciidanka Qalabka sida.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee ku dhisan Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada & dhinacyada kale ayaa xooggaystay sanadihii dambe, Xukuumadda Ankara ayaa Dalka kasoo saaraysa Shidaalka horay loo sahmiyay iyada oo dhinac socdaan dhismaha Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here