Arbaco 22 april 2026 {CBB}Kooxda Mucsida Horyaalka Ingiriiska noqotay 10 sano waa xili ciyaareedkii 2015/16 ee lagu magacaabo Leicester City oo sidoo kale loo garan ogyahay (Foxes/Dawacad) ayaa xalay u dhacday heerka saddexaad ee Horyaalka Ingiriiska ee loo garanayo League One.
Kulan ciyaareed ay kahortagtay dhiggeeda Hull City ayaa natiijada kasoo baxday u dirtay heerka saddexaad, naadiga oo dhibaato dhaqaale la kulantay wixii ka dambeeyay markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday Milkiilihii naadigaan.
Dhammaadka horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska waxaa ka dhiman labo kulan halka Leicester City ay ku badbaadi karto 7 dhibcood sidaas awgeed waxaa la xaqiijiyay in ay dhacday maadaama farqiga dhibcaha laga rabo iyo kulamada u dhiman ay kala badan yihiin.
Kulankii ugu adkaa ee Championship oo ah waa heerka labaad ee Horyaalka Ingiriiska ayaa xalay dhexmaray Hull City oo booska 7aad ku jirta kuna tartamaysa in ay kamid noqoto kooxaha tartanka u gali kara usoo gudubka heerka koowaad ee English Premier League.
Leicester City waxa ay sanadkii hore kasoo dhacday heerka koowaad ee horyaalka Ingiriiska, sanadkaan waxa ay kasii dhacday heerka labaad iyada oo tani ka dhigayso in saddex sanno oo xiriir ah ay ka ciyaari doonto saddexda heer ee horyaalkaas.





