Arbaco 22 april 2026 {CBB}Wasaaradda Waxbarashada Iiraan ayaa sheegtay in 1,300 Dugsi oo ku burburay Duullaanka Maraykanka & SRL dib loo dhisay 775 kamid ah dugsiyadaas oo ku kala yaalla Tehran, Kermanshah, Isfahan & Hormozgan.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iiraan, Alireza Kazemi ayaa sheegay in dugsiyadaas qaarkood burbur xooggan uu kasoo gaaray gantaallada culus ee Isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil ku beegsadeen balse ay dib u dhiseen.
Waxa uu bogaadiyay Shacabka iyo Dowladda Iiraan oo u istaagay in aysan marnaba baabi’in fursahadooda Waxbarashada si aanay hubinti la’aan ugu dhicin jiilka berri ee haatan ku howlan Waxbarashada sida uu hadalka u dhigay.
“1,300 Dugsi ayaa ku burburay duullaanka Cadawga soo qaaday, 775 kamid ah ayaa maanta la dhisay, kuwa kale howshoodu way socotaa, 20 kamid ah aad ayay u burbureen waxaana ay ku yaallaan Tehran, Kermanshah, Isfahan & Hormozgan” ayuu yiri Alireza Kazemi, Wasiirka Waxbarashada Iiraan.
Quluubta reer Iiraan iyo kuwo kale waxaa weli ka go’I la’ Ardaydii & macallimiinta tiradoodu ahayd 170 qof ee dhammaantood Gabdhaha ahaa ee lagu beegsaday Dugsiga Shajareh Tayyebeh ee Minab, waxaana loo qabtay kulamo isugu jiray Duco iyo xusuus.





