Home WARARKA CAALAMKA Shiinaha oo ku baaqay in dib loo furo Marinka Hormus

Shiinaha oo ku baaqay in dib loo furo Marinka Hormus

1
0

Arbaco 22 april 2026 {CBB}

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa toddobaadkan ku baaqay in dib loo furo Marinka istaraatiijiga ah ee Hormus, isagoo caddeeyay in aan loo baahneyn sii socoshada dagaalka lagu hayo Iiraan.

Wada hadal dhanka taleefanka ah oo uu la yeeshay Dhaxal-sugeha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan (MBS), ayuu Madaxweyne Xi ku celiyay in Shiinuhu taageerayo dhammaan dadaallada horseedaya soo celinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo hab dowladeed iyo dublamaasiyad.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Shiinaha, Xi Jinping ayaa carrabka ku adkeeyay in Marinka Hormuz uu yahay halbowle muhiim u ah caalamka.

“Marinka Hormus waa inuu ahaado mid u furan marinka caadiga ah, maadaama ay taasi u adeegayso danaha guud ee waddamada gobolka iyo beesha caalamka,” ayuu yiri Xi.

Iiraan ayaa go’aansatay inay xirto marinka 28-kii Febraayo markii uu dagaalku qarxay, halka Mareykankuna uu 13-kii Abriil billaabay go’doomin dhanka badda ah oo lagu soo rogay dhammaan dekadaha Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here