Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Isimada Puntland

0
1

Sabtii 25 April 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaar kamid ah isimada dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland, kuwaas oo uu hoggaaminayay Suldaan Zubeyr Suldaan Xaaji Maxamuud.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan beesha Leelkase ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, xoojinta wada shaqeynta, iyo doorka isimada dhaqanka ee nabadda iyo dowlad-dhiska.

Is-araggan ayaa waxaa fududeeyay Wasiirka Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux-dheere, oo door muhiim ah ka qaatay isu keenista labada dhinac.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh la yeesho isimada dhaqanka ee ka soo jeeda Puntland, taasoo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee uu ku doonayo inuu ku xoojiyo xiriirka dowladda dhexe iyo hoggaanka dhaqanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here