Axad 26 April 2026 {CBB}Washington Hilton oo ah goobta uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump loo xulay in ay ka dhacdo Xafladda Cashada ah ee Wariyeyaasha Aqalka Cad waa halkii lagu toogtay Madaxweynihii hore ee Dalkaas, Ronald Reagon sanadkii 1981
Trump oo looga digay halista goobtaan ayaa ka madax adeegay waxaana ugu dambayn uu arkay wixii looga digay, xafladda oo socota waxaa marqura isbaddelay jawiga iyada oo kala orod iyo qaylo isu baddeshay farxaddii iyo sheekadii halkaas ka socotay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowr qoraal soo dhigay Bartiisa Xiriirka Bulshada, waxa uu uga falceliyay weerarkaas isaga oo faray laamaha ammaanka in ay baaris adag ku sameeyaan Ninka weerarkaas fuliyay.
Waxaa la dhaliilay ilaalada Donald Trump oo maadaama uu orod ku dhaafay qofka weerarka fuliyay, ilbiriqsiyo kooban kaddib ayay hubka lasoo baxeen iyaga oo dabagalay si ay u qabtaan ama u toogtaan si loo xakameeyo dhibaatada uu gaysan karo.
Booliiska Federaalka ee FBI ayaa soo bandhigay Magaca, Xogta iyo Sawirka Ninka weerarka gaystay oo lagu magacaabo Cole Tomas Allen oo 31 jir ah kana soo jeeda Torrance Gobolka California ee Dalka Maraykanka.
Markii la xaqiijiyay in la qabtay, waxa uu Donald Trump faray Ciidamada ammaanka in ay gacan adag ku qabtaan isla markaana ay baaris sal-ballaaran mariyaan si loo ogaado ujeedka weerarkaas maadaama uu tuhmayo in qudhiisa la beegsan rabay.







