Home WARARKA CAALAMKA Taageerayaasha Liverpool oo ka dibadbaxay lacag kordhinta lagu sameeyay Tikidhada Garoonka Anfield

Taageerayaasha Liverpool oo ka dibadbaxay lacag kordhinta lagu sameeyay Tikidhada Garoonka Anfield

1
0

Axad 26 April 2026 {CBB}Taageerayaasha Kooxda Kubadda Cagta Liverpool ayaa dibadbax ka dhigay Garoonka Anfield kaddib markii ay sheegeen in lagu kordhiyay lacagaha ay ku heli karaan Tikidhada Garoonkaas ay ku gali karaan saddexda xili ciyaareed ee soo socda.

Waxa ay soo qaateen Boor uu ku dhex xardhan yahay sawirka Milkiile John Henry waxaana ay dhinac dhigeen calaamadda Digniinta ah iyaga oo ku qoray “Ruuxda Anfield Khatar bay ku jirtaa” oo ay ku muujinayaan cabashadooda.

Daqiiqaddii 13aad kulan ciyaaraadkii shalay Liverpool ay ka badisay Dhiggeeda Crystal Palace waxaa marqura dareenka ciyaarta baddelay boorarka ay lasoo baxeen Taageerayaasha oo indhaha dadkii garoonkaas joogay marqura u jeediyay.

Inkasta oo qiimaha Tikidhada ay kala sarreeyaan kuna xiran yihiin kulamada, Da’da iyo kuraasta waxa uu qiimuhu u dhaxeeya sidaan

Dadka waaweyn waxaa laga qaadaa £39 ($53) ilaa £61 ($82)

Dhalinyarada / carruurta: £9 ($12) ilaa £30 ($40)

Qaybaha VIP ama hospitality: waa in ka badan £100 ($135)  ilaa £300 ($405)

Lacagaha ayaa u kala badan kulamada sida Horyaalka Ingiriiska EPL, Koobabka yaryar ee Dalkaas sida FA Cup, EFL Cup kuwa bannaanka sida Champions League iyo wixii lamid ah, mid weliba qiimo gaar ah ayuu leeyahay waxaana kusii xiran kulanka naadiga markaas Kooxdu u baxayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here