Axad 26 April 2026 {CBB}Dood sharciga la xiriirta ayaa ka dhalatay go’aanka Maxkamad ay ku fasaxday Dadkii ugu waqtiga dheeraa ee xabsi ku jira kuwaas oo loo haysta Aabbaha reerkaas oo weerar u gaystay Dad dibadbaxayay, waxaana la qorsheeyay in la masaafuriyo.
Hayaam Al Jamaal iyo Shanteeda Carruurta ah oo da’doodu u dhaxayso 5 jir ilaa 18 sano jir waxa ay muddo 10 bil ah ku qaateen xabsi ay maamusho hay’adda socdaalka Maraykanka kaddib markii uu fashilmay masaafurintii lala damacsanaa qoyskaas.
Dhowaan ayaa lasii daayay, waxa ay dib ugu laabteen gurigooda inkasta oo shalay waqti dambe markale lasoo xiray, waxaana la isku dayay in si degdeg ah looga masaafuriyo Dalka Maraykanka sida uu xaqiijiyay qareenkooda oo lagu magacaabo Eric Lee.
Maamulka Donald Trump waxa uu ku tilmaamay in uu jabinayo sharciga Dalkaas markii uu dhegaha ka furaystay go’aanka Maxkamadda ee Dadkaan lagu sii daayay, waxa uu sharci darro ku sifeeyay in la tago guryahooda dabadeedna lasoo xiro qoyskaan uu qareenka u yahay.
Hooyada Qoyskaan waa Masaari ku dhalatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sababta loo eryanayo waa Aabaha Carruurtaas oo lagu magacaabo Mohamed Sabry Soliman oo lagu eedeeyay in uu weerar ku qaaday dad ku sugnaa Magaalada Boulder ee Gobolka Colorado.
Saraakiil katirsan Ciidanka Federaalka ee Baarista u qaabilsan ee FBI ayaa xaqiijiyay in baaristooda ay ku ogaadeen in aanay qoysku waxba ka ogayn ficilka uu sameeyay aabaha oo ah in uu beegsaday Dad ka dibadbaxayay la haystayaashii Xamaas ay gacanta ku dhigtay ee Israa’iil kasoo jeeda.







