Axad 26 April 2026 {CBB}Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag u cambaareeyay rabshado ka dhacay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, kuwaas oo sababay kacsanaan iyo cabsi soo wajahday shacabka deegaanka.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Puntland inay rasaas nool u adeegsadeen dad shacab ah oo ka soo horjeeday safarka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku wajahnaa magaalada Badhan.
Jamaal Maxamed Xasan ayaa falalkaasi ku tilmaamay kuwo “aan la aqbali karin,” isagoo sheegay in awood xad-dhaaf ah loo adeegsaday shacabka, isla markaana ay jirto tacaddi toos ah oo lagu hayo dadka rayidka ah.
“Ma aha arrin la aqbali karo falka xadgudubka iyo duullaanka ah ee maanta maamulka Puntland u geystay shacabka magaalada Badhan, oo loo adeegsaday rasaas nool,” ayuu yiri wasiirku.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in haween ka tirsan qoyska Caaqil Cumar Cabdullaahi la jirdilay intii ay socdeen rabshadaha, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aad u xasaasi ah oo u baahan in si degdeg ah loo baaro.
Wasiirka Ganacsiga ayaa sidoo kale ku eedeeyay maamulka Puntland inuu caadeystay ficillo uu ku tilmaamay kuwo guracan oo si joogto ah uga dhan ah shacabka ku nool gobolka Sanaag.
Intaa waxaa dheer, wuxuu dib u xusay dhacdo hore oo ka dhacday degmada Dhahar bishii July 2025, isagoo sheegay in halkaas lagu laayay dad rayid ah oo ku sugnaa deegaankooda, taasoo uu ku tilmaamay mid qayb ka ah silsilad xadgudubyo ah.
“Xadgudubyadan joogtada ah ee soo noqnoqday ma aha kuwo la iska indho tiri karo, waa arrimo mudan in si dhab ah loola xisaabtamo,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in “maalmo aan fogeyn lagula xisaabtami doono maamulka Puntland.”
Ilaa iyo hadda, maamulka Puntland kama uusan bixin wax jawaab ah oo rasmi ah oo ku aaddan eedeymahaasi, iyadoo xaaladda magaalada Badhan ay weli tahay mid kacsan.







