Home WARARKA MAANTA Taliyaha CXDS oo Kormeer iyo Dardargelin Howlgallo ka Sameeyay Waajid

Taliyaha CXDS oo Kormeer iyo Dardargelin Howlgallo ka Sameeyay Waajid

1
0

Axad 26 April 2026 {CBB}Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Magaalada waajid ee Gobolka Bakool.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka gen Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa waxaa Degmada waajid kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Ujeedka Safarka Taliyaha Ciidanka XDS uu ku gaaray Magaalada Waajid ayaa daarnaa Dar dargalinta Howlgalo ka dhan ah Maleyshiyaadka Nabadiidka ah iyo Dhiiraglinta geesiyaasha Xoogga Dalka

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan waajid ayaa Taliyaha ugu warbixiye xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka

Gen Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay Geesiyaasha ayaa Faray in loo baahan yahay sidii loo xoojin lahaa Howlgalada lagu Ciribtirayo Maleyshiyaadka nabadiidka ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqan degmada waajid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Noqonayo taliyihii ugu horeeyay ee Kormeer shaqo ku taga Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here