Taalad 28 April 2026 {CBB}Laamaha ammaanka ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in uu baaris dheeraad ah ku hayo Farxaan Faarax Shaaciye oo ku eedeysan kamid noqoshada kooxaha Dhallinyarada ka tahriibisa Deegaannada Maamulkaas sida hadalka loo dhigay.
Booliiska Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Farxaan isla markaana waxa ay soo bandhigeen muuqaallo uu ku dhallinyarada ku dhiirragelinayo in ay tahriibaan sida lagu yiri war kasoo baxay Taliska Booliiska Qaybta Gobolka Sool.
Warka ayaa intaas lagu daray in baaris hordhac ah lagu helay in koox uu katirsan yahay Farxaan Faarax ay Dhallinyaro badan ka tahriibiyeen Deegaannada Maamulka Waqooyi Bari sida Laascaanood iyo Buuhoodle sida bayaanka lagu xusay.
Dhallinyaro badan oo Soomaali ah oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa ku xiran Xabsiyo ku yaalla Liibiya kuwaas oo ehelkooda laga dalbaday in ay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan Kooxaha ka macaasha tahriibinta Dadka ee Gudaha Soomaaliya & Liibiya ku kala sugan.
Dhibaatooyin xooggan ayay la kulmaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ka tahriiba Dalkooda kuwaas oo gaara Dalalka dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika waxyaabaha ay la kulmaan waxaa kamid ah Jirdil, Handadaad iyo qaar kale oo Badda ku dhinta mar ay tahriibaan.







