Home WARARKA MAANTA Maxay ka wada hadleen MW Xasan Shiikh iyo Wafdi sare oo ka...

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Shiikh iyo Wafdi sare oo ka socda QM?

2
0

Taalad 28 April 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa Madaxtooyaddda dalka kulan kula yeeshay Wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarey qodobo khuseeya xaaladda bani’aadannimo ee dalka, gaar ahaan mudnaanta koowaad ee ay dowladda Soomaaliya siineyso gargaarka iyo dadaallada socda ee loogu jiro soo kabashada dalka ka dib dhibaatooyinka deegaan iyo kuwa bani’aadannimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Tom Fletcher ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay fududeynta iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah si loo gaaro isbeddel dhab ah oo dhanka nolosha ah.

Dhankiisa, Tom Fletcher ayaa bogaadiyay hoggaanka Madaxweynaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka samaysay maareynta dhibaatooyinka bani’aadannimo, wuxuuna ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso dalka si loo gaaro soo kabasho waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here