Sabti 30, Abriil 2022 {CBB} Qof rayid ah ayaa ku geeriyooday weerar ay fuliyeen rag hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degmada Berdaale fiidnimadii Jimcaha, sida ay sheegeen masuuliyiinta deegaanka.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, bartilmaameedka weerarka ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa Cabdikhadar Xasan Cabdi, oo la sheegay inuu ka shaqeyn jiray turjumaadda isla markaana bare ka ahaa mid kamid ah iskuullada degmada Berdaale.
Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in Cabdikhadar Xasan Cabdi uu ka badbaaday weerarka, hase yeeshee waxaa ku geeriyooday mid kamid ah eheladiisa oo lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Ibraahim.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gaareen goobta kadib weerarka, iyagoo bilaabay baaritaanno la xiriira dhacdada.







