Isniin 18 May 2026 {CBB} Toddobaadkii hore warka ku saabsan inuu Netanyahu booqasho qarsoodi ah ku tagay Imaaraadka Carabta ayaa warbaahinta qabsaday, iyadoo Imaaraadka uu beeniyay booqashadan ayaa markii dambe xafiisa Netanyahu wuxuu si ku talagal ah u baahiyay inay booqashadu dhacday.
Hadda wargeyska The Times of Israel , ayaa baahiyay sababta uu Imaaraadka u qariyay booqashada iyo waxa dhaliyay Netanyahu inuu shaaciyo inay booqashadu dhacday.
Sida wargeysku sheegay, Imaaraadka ayaa Netanyahu ka codsaday in booqashadiisa si qarsoodi ah loo ilaaliyo oo aan warbaahinta lagu shaacin. Laakiin xafiiska Netanyahu ayaa si cad u shaaciyay safarka, taasoo ka hor timid codsigii Imaaraadka.
Warbixinta ayaa sheegtay in Netanyahu uu sidaas sameeyay kadib markii uu ogaaday in ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett oo la filayo inuu noqdo qofka xafiiska ka beddelaya uu qorsheynayay inuu booqdo Imaaraadka maalinta xigta.
Netanyahu ayaa la sheegay inuu ka baqay in booqashada Bennett ay hesho hadal-heyn iyo dareen badan,halka safarkiisa uu ahaan lahaa mid qarsoodi ku dhacay.







