Isniin 18 May 2026 {CBB}Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta ee Iiraan ayaa u safray Dalka Turkiga, waxa uu isu diyaarinaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee la daahfurayo 11ka Bisha soo socota ee June inkasta oo uusan weli helin dal ku galka Maraykanka oo kamid ah martigeliyaasha Koobkaan.
Wakaaladda Wararka Tasnim ayaa baahisay in maanta xulkooda ay u safreen dhinaca Turkiga si ay halkaas ugu dheelaan kulamo saaxiibtinimo uguna qaataan tababarka diyaargarowga Koobka Adduunka 2026 oo xulkaan usoo gudbay.
Hay’adda ugu sarraysa Khubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa laga sugayaa go’aanka la xiriira sidii Maraykanka uu bilaa shuruud u siin lahaa xulkaas Fiisihiisa oo haddii aysan helin tagi Karin Dalkaasi loogana gudbo caqabadaha siyaasadda ee jira.
Xulka safray ayaa isugu jira in ka badan 22 ciyaaryahan, Shaqaale, Dhaqaatiir, Tababare, caawiyeyaal iyo dad kale oo lamid ah kuwa xul weliba uu wato, waxa ay u safreen Antalya Turkiga halkaas oo kulamo diyaargarowga Koobka Adduunka 2026 kusii dheelaya.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhawaan isku dayay in Xulka Iiraan laga reebo Koobka Adduunka ee 2026 oo lagu qabanayo Maraykanka, Kanada & Maksiko, waxaana uu door-biday in lagu baddelo Talyaaniga oo isreeb-reeb ku haray.







