Home WARARKA MAANTA Maxkamadda Sare ee Dalka oo iska fogaysay in loo gudbiyay Natiijada Doorashooyinkii...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo iska fogaysay in loo gudbiyay Natiijada Doorashooyinkii ka dhacay KGS

11
0

Isniin 18 May 2026 {CBB}Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa sheegtay in aanay si rasmi ah weli loogu soo gudbin natiijada Doorashooyinkii isku sidnaa ee 10kii Bishaan ka dhacday Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama ay leedahay awoodda Ansixinta Natiijada.

Warqadda Maxkamadda Sare ee JFS:

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayaa xalay sheegay in sababta keentay dib u dhaca doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ay tahay maxkamadda sare oo natiijo ay ka sugayaan.

Xaanshida Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka:

Labadaan hadal ee ka kala yimid Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa dhaliyay hadal hayn xooggan, waxaana indhaha lagu hayaa doorashada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo dhowaan laga codeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here