Home WARARKA MAANTA Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sagootiyey Safiirkii Ruushka u fadhiyay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sagootiyey Safiirkii Ruushka u fadhiyay Soomaaliya.

4
0

Talaado 19 May 2026 {CBB} Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta qaabilay isla markaana Sagootiyay Danjiraha aan deggeneyn ee Dowladda Federaalka Ruushka u fadhiyay Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov, oo xilkiisii diblomaasiyadeed soo gabagabeeyay.

Wasiirka Cabdisalaam ayaa ku ammaanay Danjire Golovanov dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah, isaga oo sidoo kale soo dhoweeyay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka. Sida lagu yiri war kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale warka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sii yiri, “Labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin Ruushka iyo Soomaaliya.”

Ruushka ayaa muddooyinkii dambe dadaal ugu jiray sidii uu u xoojin lahaa xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, dhammaadka todobaadkii hore magaalada Muqdisho ayaa soo gaartay diyaarad siday gargaar taas oo ka timid dalka Ruuska.

Deeqdaan ka timid Ruushka waxa ay ka dhigaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshay Dalal kasoo jawaabay baaq ay horay ugu jeedisay Dalalka ay saaxiibada yihiin oo la xiriirta in laga gacansiiyo kaalmada bani aadamnimo ee dadka abaaruhu saameeyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here