Arbacao 20 May 2026 {CBB} Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa gaaray magaalada Beijing ee dalka China.
Booqashadan Putin ayaa imaanaysa afar maalin kadib safarkii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku tegay Shiinaha, taas oo si weyn u muujinaysa loollanka siyaasadeed iyo xiriirka istaraatiijiga ah ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Moscow iyo Beijing.
Kulanka Putin iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa inuu diiradda saaro iskaashiga dhaqaale, amniga gobolka iyo xaaladaha cakiran ee caalamka, xilli dunidu wajahaysa isbeddello siyaasadeed oo waaweyn.







