Jimco 22 May 2026 {CBB} Imaaraadka Carabta ayaa markii u horreysay ku biiray ololaha ay wadaan Sacuudiga iyo Qatar ee looga hortagayo Mareykanka inuu dib u billaabo dagaalka Iiraan , iyagoo ku cadaadinaya Trump inuu fursad siiyo diblomaasiyadda iyo wada-hadallada lala leeyahay Iiraan halkii dib loo bilaabi lahaa dagaal militari, sabab la xiriirta cabsi ay dalalkan ka qabaan in dagaal cusub uu qalqal geliyo gobolka isla markaana dhaawac weyn u geysto dhaqaalahooda iyo mashaariicdooda horumarineed.
Inkasta oo Sacuudiga , Qatar iyo Imaaraadka ay ku kala duwan yihiin sida adag ee Mareykanku ula macaamilayo Iiraan, haddana dhammaantood waxay isku raacsan yihiin in laga fogaado dagaal kale oo gobolka ka qarxa.







