Khamis May 27, 2026 {CBB}Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee ku aadan amniga badda cas gaar ahaan la dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisada.
Hadalka oo u muuqda mid jawaab u ah war dhawaan ka soo yeeray Senator-ka laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Mareykanka, Ted Cruz, oo ku baaqay in dowladda Mareykanku ay xiriir dhow la yeelato maamulka gobollada Waqooyi Galbeed.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay iskaashi buuxa la samayso saaxiibada caalamka si wax looga qabto caqabadaha ammaan ee ka jira marinnada biyaha ee caalamiga ah.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, ayuu hoosta ka xariiqay in iskaashi kasta oo lala samaynayo Soomaaliya ay tahay inuu ku dhisnaado ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Wuxuu ku dooday in midnimada qaranka Soomaaliya ay tahay udub-dhexaadka xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo marinka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb.
“In lala shaqeeyo Soomaaliya iyada oo mid ah, waxay dammaanad qaadaysaa ammaan waara oo laga gaaro badda iyo berrigaba. Ma jirto xasilooni ku timaada kala qaybin, balse waxay ku timaadaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada,” ayuu yiri Wasiiru-dawlaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay inay ka go’an tahay ilaalinta xuduudaheeda badda iyo berriga, iyadoo dhanka kalena diyaar u ah iskaashi caalami ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo madax-bannaanida qaranka Soomaaliyeed.







