Home WARARKA MAANTA Waa Sidee Xaaladda Dowlad goboleedka Galmudug ?

Waa Sidee Xaaladda Dowlad goboleedka Galmudug ?

2
0

Khamis May 27, 2026 {CBB}Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaaladda deegaannada dowlad goboleedka Galmudug oo saacadihii la soo dhaafay ay jireen xogo laga faafinayay.

Sida ilo xog ogaal oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ay noo xaqiijiyeen ilaa hadda ma jiraan Ciidamo dheeraad ah oo halkaasi tagay, waxaana amniga si caadi ah sugaya Hay’adda Amniga ee Heer Federaal iyo Dowlad gobolleed.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Xaaladda dowlad goboleedka Galmudug gaar ahaan Caasimadda Dhuusamareeb ayaa deggan, waxaana halkaasi ku sugan Madaxweyne Qoorqoor.

Sidoo kale, waxaa socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan Musharixiinta danaynaya qabashada kursiga uu ku fadhiyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday ee Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Doorashada Dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sida qorsha yahay la filayaa in Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka loo dareero 20 bisha July ee sannadka 2026.

Waxaa sidoo kale, xigi doona Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo qabsoomeysa, 2 bisha July, halka ay xigi doonto mid hoggaamiyaha dowlad goboleedka oo iyana la qorsheeyay 9 bisha July.

Doorashooyinkan oo ku qabsoomaya Nidaamka qof iyo codka ah ayaa waxaa socda diiwaan galinta dadweynaha, iyadoo Xisbiyada wadaan diyaar garow iyo soo xulida Musharixiintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here