Home WARARKA MAANTA Madaxweynihi hore Sheekh Shariif oo weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh

Madaxweynihi hore Sheekh Shariif oo weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh

1
0

Talaado 2 June 2026 {CBB}Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhammeystay muddadii loo doortay, isla markaana aanu garanayn waxa uu weli u raadinayo sii joogista talada dalka.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay kulan siyaasadeed ayaa sheegay in Xasan Sheekh laba jeer loo doortay xilka madaxweynaha, sidaas darteedna ay tahay inuu xilka si nabad ah ugu wareejiyo cidda ka dambeysa marka la gaaro waqtiga doorashada.

“Labo jeer aa la doortay waa u dhamaatay, maxaa u dhiman u raadinaaya? Anigu ma garan waxa u raadinaayo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda inay waddo tallaabooyin uu ku tilmaamay caburin siyaasadeed, isagoo xusay in dhalinyaro la xirayo, mucaaradka la cadaadinayo, isla markaana shacabka qaarkood la barakicinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here