Talaado 2 June 2026 {CBB}Dowladda Maraykanka ayaa warbixin ay u gudbisay Kongareeska ku caddeysay inay weli aqoonsan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Somaliland lagu tilmaamay saaxiib suurtagal ah oo laga wada shaqayn karo dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.
Warbixinta ayaa sheegtay in Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay si joogto ah booqashooyin ugu tagto Somaliland si ay ugala hadasho arrimaha amniga, gargaarka bani’aadannimada iyo horumarinta dhaqaalaha. Maraykanku wuxuu xusay in booqashooyinkaas lagu fuliyo habraacyo amni oo la mid ah kuwa laga adeegsado Soomaaliya inteeda kale.
Sidoo kale, warbixintu waxay iftiimisay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan goobta ay kaga taallo marin-biyoodka Bab al-Mandab, doorka ay ka qaadan karto la dagaallanka argagixisada, iyo fursadaha maalgashi ee ku xeeran dekedda iyo garoonka diyaaradaha Berbera.
Hase yeeshee, Maraykanku wuxuu tilmaamay in muranka siyaasadeed ee ku saabsan xaaladda Somaliland iyo caqabadaha amni ay weli saameyn ku leeyihiin maalgashiga caalamiga ah, adeegyada bangiyada iyo koboca ganacsiga.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ciidamada Maraykanka, gaar ahaan AFRICOM, ay Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale kala shaqeeyaan la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo gobolka loo arko meel muhiim u ah la socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan iyo xiriirrada suurtagalka ah ee ay la leeyihiin Xuutiyiinta.







