Home WARARKA MAANTA Qabashada Araajida Musharrixiinta Guddoonka Golaha Wakiillada KGS oo maanta billaabanaysa

Qabashada Araajida Musharrixiinta Guddoonka Golaha Wakiillada KGS oo maanta billaabanaysa

1
0

Talaado 2 June 2026 {CBBWaxaa maanta billaabanaya araaji qabashada Musharrixiinta u tartamaysa Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo doorashadoodu qabsoomaysa 4ta Bishaan oo ku beegan Khamiista sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka.

Isla maanta ayaa la shaacinayaa musharrixiinta soo buuxisay shuruudaha iyada oo halkaas lagu ogaan doonno sida ay ugu kala tartamayaan Musharrixiintu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo ku xigeennadiisa.

Waxaa xiga in la doorto Hoggaanka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida qorshaha uu yahay la dooran doonno 10ka Bishaan dhammaadka todobaadka dambe waa haddii aanay isbaddel waqti ku imaan doorashadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here