Home WARARKA CAALAMKA Maraykanka oo dib u baaraya Galka Dad magangalyo uga helay been abuur...

Maraykanka oo dib u baaraya Galka Dad magangalyo uga helay been abuur ay sameeyeen

1
0

Talaado 2 June 2026 {CBB}Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Hay’adda Socdaalka & Fulinta sharciga ee Maraykanka loona soo gaabiyo ICE ay billowday dib ugu laabashada Galka Dad dalkaas horay ugu tagay magangalyo doon si qaldan loo maray.

Sheekadaan waxa ay bannaanka timid kaddib markii Nin u dhashay Mauritania uu horay u sheegtay in uu dalkiisa baxsad ka yahay maadaama aanay laga ogolayn Dadka isku jinsiga ah oo isagu yahay looguna hanjabay in la dili doonno.

Saddex sanno ka timid waxa uu Ninkaas dhigtay Aroos isaga oo la aqal galay Haweeney Asal ahaan kasoo jeeda Maraykanka, waxa uu ka shaqeeyaa Xabsi ku yaalla Gobolka Indiana balse markii guurkiisa uu bannaanka usoo baxay ayaa la xiray.

Xubno dabagalla Dadka Maraykanka kusoo gala arrimaha xasaasiga ah ayaa muddo indho-indheynayay Ninkaas oo ugu dambayn xogtiisa u gudbiyay Laanta la dagaalanka Soogalootiga iyo kuwa sharciga dalkaas jabiya oo haatan baaraya.

Waxaa socda qorshe kale oo dib loogu laabanayo dad sheegtay kiisas kan lamid ah iyo kuwo kale oo Maraykanka loogu ogolaaday kaddib markii ay ku doodeen in nafta la dhaafinayo waa haddii aan dalkooda hooyo laga qaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here