Home WARARKA MAANTA Soomaaliya iyo Howlgalka EUCAP oo ka wada hadlay iskaashiga Amniga

Soomaaliya iyo Howlgalka EUCAP oo ka wada hadlay iskaashiga Amniga

1
0

Talaado 2 June 2026 {CBB}Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa guddoomiyay kulan gaar ah la yeeshay Madaxda sare ee howlgalka EUCAP.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga amniga, taageerada farsamo iyo tababarrada ay EUCAP siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dib-u-eegista istiraatiijiyadda EUCAP iyo sidii taageerada amniga loo waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa adkeeyay in muhiimada isku-duwidda iyo lahaanshaha dowladda ee dhammaan dadaallada lagu taageerayo hay’adaha amniga dalka.

Dhankiisa, Madaxa Howlgalka EUCAP ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto kulan farsamo oo lagu sii ambaqaadayo dib-u-eegista istiraatiijiyadda EUCAP ee xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here