Home WARARKA MAANTA Xasan Cali Khayrre oo sheegay in la soo weeraray.

Xasan Cali Khayrre oo sheegay in la soo weeraray.

1
0

Arbaco 3,June 2026 {CBB} Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

“Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo ‘Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.’ Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay. Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya ‘Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday’ oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here