Home WARARKA MAANTA Warar ka soo baxay xaaladda magaalada Muqdisho

Warar ka soo baxay xaaladda magaalada Muqdisho

1
0

Arbaco 3,June 2026 {CBB} Waraka ka imanyaa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu ka dhacay Isgoyska Dabka, kaas u dhexeeya ciidamadda dawladda iyo ilaalada raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ku dhow hay’adaha amniga Soomaaliya.

Raysalwasaarahii hore ee Soomaaliya ayaa boggiisa baraha bulshada ku sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalinta berri ah a filayo bannaanbax ay soo agaasimeen mucaaradka Soomaaliya.

Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo aanay BBC-du xaqiijin karin ayaa muujinaya rasaas xooggan oo la is weydaarsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here