Home WARARKA MAANTA Taliska ciidanka Booliska oo markale war ka soo saaray dagaalo ka dhacay...

Taliska ciidanka Booliska oo markale war ka soo saaray dagaalo ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

2
0

Khamiis 4,June 2026 {CBB} qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Benaadir ayaa waxaa lagu yiri sidan:

Bayaan ku Saabsan Falal Hubeysan oo Lid ku ah Amniga Caasimadda oo ay Abaabuleen Shaqsiyaad iyo Kooxo Leh Dano Siyaasadeed oo Guracan Ciidanka Boliiska Caasimadda waxay caddeynayaan in falalkii hubeysnaa ee ka dhacay Caasimadda ay ahaayeen weerarro abaabulan oo ay soo maleegeen kooxo leh dano siyaasadeed oo guracan, kuwaas oo adeegsanayay maleeshiyaad hubeysan oo watay hub culus.

Maleeshiyaadkan ayaa weerarro ku qaaday goobo ay Ciidamada Ammaanku ku sugnaayeen; hase yeeshee, Ciidanka Ammaanka ayaa si guul leh uga hortagay falalkii ay damacsanaayeen.

Hay’adaha Ammaanka waxay caddeynayaan in dhacdooyinkani aysan ahayn abaabulka bannaanbaxyo shacab oo nabadeed, balse ay ahaayeen falal hubeysan oo abaabulan oo si toos ah uga soo horjeeda amniga, kala dambeynta iyo xasilloonida Caasimadda.

Waxaa socda baaritaanno iyo howlgallo lagu baadi-goobayo dhammaan cid kasta oo ku lug lahayd abaabulka, maalgelinta iyo fulinta falalkan.

Hay’adaha Ammaanka waxay si adag ugu digayaan in tallaabo sharci oo adag laga qaadi doono maleeshiyaadka hubeysan iyo shaqsiyaadka ka dambeeya abaabulka falalkan, si loo ilaaliyo amniga iyo nabadda Caasimadda.

Ciidanka Boliiska Caasimadda waxay shacabka ugu baaqayaan inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, kuwaas oo sii wada howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud, laguna baajinayo fal kasta oo halis ku ah xasilloonida iyo kala dambeynta Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here